Ciidamada Dowladda oo Muqdisho lagu Qarxiyey

0

11eMuqdisho (AGGM): Ciidamo katirsan Dowladda Soomaalia ayaa maanta qaraxa lagula eegtay Xaafada Carafaad ee Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Gaari Ciidamada Dowladda Soomaalia ay wateen oo Marayey Wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Dadka Goobjoogeyaashaa ay sheegeen in Qarax laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho,ayadoona sidoo kale Qaraxa uu Geystay Qasare Baaxad leh.

Dad ka ag dhawaa goobta ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaalia ee Qarax lala eegtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com