Dhageyso: Maleeshiyada Raaskambooni Oo Xabsiga Dhigay Suxufiyiin Iyo Ururka JIJA Oo Cambaareeyay Xarigooda.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku xiray labo Wariye oo lagu kala magacaabo Nastexo Maxamed Cumar iyo Maxamed Xasan Xiis oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala deeganada Jubbooyinka.

Maxamed Xasan Xiis iyo Nasteexo Maxamed Cumar oo ka howl gala magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay warar qaldan ay ka sameeyeen Maleeshiyada Raaskmbooni.

Wariye Maxamed Xasan Xiis, wuxuu ka howl galaa Radio Kismaayo oo ku hadala afka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana Horjoogeyaasha maleeshiyada ay ku eedeeyeen in uu qalad sameeyay balse lama shaacinin qaladkaasi. Waxaa xabsiga loo taxaabay galinkii dambe ee Sabtidii doraad.

Wariye Nasteexo Maxamed Cumar, waxaa ay wakiil-wareed u tahay mid ka mid ah idaacadaha xaruntooda ay ku taalo magaalada Muqdisho. Waxaa lagu eedeeyay dacaayado iyo warar been abuur ah oo ka dhan ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni. Waxaa xabsiga la dhigay axadi.

Suxufiyiinta magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wargaliyay in ay ka gaabsadaan ka hadlida xariga labadaan suxufi Kulan ay ku yeesheen degmada Kismaayo Ururka Suxufiyiinta Jubbooyinka ee JIIJA ayay ku cambaareeyeen xariga loo gaystay labadaasi Wariye waxayna ugu baaqeen maleeshiyada inay sii daayaan labadan Wariye oo sida ay hadalka u dhigeen lagu haysan wax danbi ah.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubbooyinka Yahye Abdirisaq Soffe oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa cambaareeyay xariga labadaasi Wariye isagoona tibaaxay Saxaafadda Jubbooyinka muddooyinkii danbe in lagu hayay caburin taasoo keentay muddo kooban in xabsiga la dhigo illaa 4 Wariye kuwaasoo ka howlgalayay warbaahinta Somalida.

Wariyeyaasha la xiray ayaa u badnaa kuwo ka shaqeeya Warbaahinta Madaxa banaan inkastoo mid kamid ah Wariyaasha imika xiran uu la shaqaynayay Idaacad ay leeyihiin Maleeshiyada Raaskambooni.

Illo lagu kalsoonyahay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Wariye Maxamed Xasan Xiis in lagu xiray Hees Wadani ah oo loo qaaday Jabhada ONLF ee ka dagaalanta Dhulka ay dagto Somalida Ethiopia taasoo siwayn ay uga caroodeen xubno ku jira maamulkaasi oo gacan saar dhow la leh Dowladda Itoobiya.

Sida uu xaqiijiyay Guddoomiye Yahye Wariyaha labaad ee Haweenayda ah oo la shaqaynaysay Idaacad lagu magacaabo SKY FM oo ku taala Muqdisho ayaa lagu haystaa danbi ah inay sii daysay Warar ku saabsan dhuxul taala gudaha dakada wayn ee Kismaayo taasoo khilaaf uu ka jiray muddoyinkii u danbeeyay qaabka loo dhoofinayo.

Kismaayo ayaa sidoo kale Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxay ku xireen dhawaan Wariye Cabdirashiid Caynte oo isku dayay inuu hawada galiyo Idaacad FM ah oo si madax banaan la doonayay inay magaalada Uga shaqayso, sidoo kale Aadan Maxamed Salaad “Aadan Kismaayo” ayay xireen maleeshiyada, iyadoo Kismaayo tan iyo markii ay dagaaladu ka dhaceen ay iskaga soo carareen inka badan 20 Wariye oo horay uga howlgali jiray gudaha magaalada Kismaayo.

Magaalo Xeebeeda Kismaayo ayaa noqonaysa Magaalada loogu dhibaataynta badan yahay Saxafiyiinta Soomaaliya ee Sanadkaan sii dhamaanayo inkastoo aysan jirin Wariyaal dil loo gaystay balse waa ay jiraan kuwo ka bad baaday isku day dil haddana waxaa la qarin karin dhibaatada joogta ah ee Saxaafadda Jubbooyinka lagu hayo.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Ururka JIJA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com