Top News: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Wariye Ku Xiray Magaalada Kismayo.

0

1Kismaayo (AGGM): Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Habka Beel u abaabulan ee Raas-kambooni ay Xabsiga dhigen Wariye ka Tirasan Idaacad lagu Magacaabo Radio Kismaayo.

Wariyaha ayaa waxaa lagu magacaabaa Max’ed Xasan Xiis,ayadoona ay xabiga dhigeen Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Warka soo baxay Maxamed Warsame Faarax Darwiish, oo Dagaal ooge Axmed Madoobe ugu Magacaaban Wasiirka arimaha Gudaha ayaa sheegay in wariyahaan uu sii daayey Hees laaga soo Horjeedo Ciidamada Ethiopia sida uu sheegay.

Wariye Max’ed Xasan Xiis ayaa ku Xiran xabsi Ciidamada kenya ay Kuleeyihii garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Todobaad ka hor ayaa Maleeshiyadka Axmed Madoobe waxaa ay Xireen wariye u shaqeeya Warbaahinta Qaranka kaasi oo dib Xoriyadiisii u helay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com