Dhageyso: Marwada Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Muqdisho Ku Qabatay Kulan Lagu Taageerayey Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.

0

marwada madaxweynahaMuqdisho (AGGM): Kulankani oo ay soo qaban qaabisay marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan islamarkaana ay ka qeyb galeen haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa lagu taageerayay Ra’isul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono in ay la timaado howlkarnimo, waxaana ay kula dar daarmeen Xukuumadaasi in ay soo dadajiso Waxqabad muuqda oo ay mahdiyaan Bulshada Soomaaliyeed.

Haweenkii kulanka ka qeyb galay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay qorshaha siyaasadeed ee Ra’isul Wasaare C/we uu ku doonayo in dalkani uu u horseedo horumar iyo xasilooni islamarkaana uu soo dhiso Xukuumad la jaan qaadi karta wadciga oo la imaan karta waxqabad balaaran.

Ugu horeyn kulankaasi waxaa ka hadlay Sahro Sheekh Xuseen oo ka mid aheyd haweenkii ka qeyb galay kulanka oo sheegtay in haweenka Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaadan karaan horumarka dalka, waxaana Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay ka codsatay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka ka samata bixin karta xaaladda hadda uu ku jiro.

Sahro Saciid Nuur oo ka mid eheyd haweenkii ka yimid deegaanada maamulka puntland oo ay casuuntay marwada madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ku boorisay in ay ka shaqeeyaan horumarka dalkeena hooyo, waxaana si gaar ah ay ugu mahad naqday marwada madaxweynaha Soomaaliya oo kulankaasi ku casuuntay, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay in haweenka ay ka shaqeeyaan nabadda.

Ugu danbeyntii waxaa kulankaasi soo xiray marwada madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ku boorisay haweenka Soomaaliyeed ee xilka ka hela dalka in ay ka qeyb galiyaan xilkaasi haweenka kale ee aan nasiibka u helin helida xilkaasi taasi oo ay tilmaantay in lagu gaaro karo horumar iyo wada shaqeyn ka dhex timaada haweenka Soomaaliyeed.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Kulanka Marwada Madaxwaynaha Qabatay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com