Dhageyso: Maamulka Jubbaland Oo Iska Fogeeyay In Ciidamadooda Weerareen Mid Kamid Ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

WarbixinKismaayo (AGGM): Afhayeenka maamulka Jubbaland Xasan Qaasim Warsame ayaa iska Fogeeyay eedaymo kasoo yeeray horjooge ka tirsan maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni kaasoo sheegayay in Ciidamadda Maamulka Jubbaland ay weerar ku qaadeen dhowr cisho ka hor xili uu ku sugnaa Hoygiisa oo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Qaasim ayaa ugu horayn sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo Wasiirka tirsan Maamulka Jubba oo ay aqoon sanyihiin isla markaana wuxuu maamulka Jubbaland iska fogeeyay weerarkaasi inay ku lug leeyihiin Ciidamadooda isagoona geesta kale qiray Ciidankoodu inay wali ku suganyihiin gudaha degmada Kismaayo isla markaana aysan jirin cid ka hor taagan inay Kismaayo gudaha u galaan.

“Annagu cid aan weerarnay ma jirto laakiin magaalada waan daganahay Ciidankeenuna waa ku suganyihiin wax xabad joojin ah oo horay loo sameeyayna ma jirin sidoo kale ma jiraan Ciidamo nabad ilaalin ah oo labada dhinac la kala dhex dhigay horay waan uga baxnay gudaha magaalada balse wali waan joognaa oo Ciidamadeenu waa tagaan” ayuu yiri.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland ayaa carabka ku adkeeyay inay degmada Kismaayo gacan ku haynteeda la wareegeen maleeshiyaad sida uu hadalka u yiri laga keenay Kilil5-aad iyo Jabhadii burburtay ee ONLF isla markaana Ciidankoodu uu diyar u yahay deeganada Jubbooyinka inay ka xoreeyaan.

Isku soo wada duuboo Mar uu ka hadlayay arimaha lagu eedeeyay ee ah inay Weeraro amniga wax u dhimaya ka gaysanayaan gudaha degmada Kismaayo ayuu xusay Wasiiirka Taasi inay ka turjumayso baqdinta ay dhinacyada ku sugan Kismaayo ka qabaan Ciidanka maamulka Jubbaland.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Wareeysiga Afhayeenka Mobilkaaga….

Dhageyso Afhayeenka Maamulka Jubbaland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com