Top News:Horyaalka Kubadda Koleyga Oo Si Rasmi Ah Uga Biloowdey Garoonka Wiish (Ex-Lugino).

0

basketMuqdisho (AGGM): Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda koleyga ayaa waxaa uu si rasmi ah daaha uga qaadey Horyaalka heerka 1 & 2aad ee kubadda koleyga,kaasi oo ay ka qeybgalayaan dhamaan kooxaha diiwaan gashan XSKK.

Xafladii furitaanka horyaalka oo ka dhacdey gudaha garoonka Wiish Stadium (ex Lugino) ayaa waxaa ka qeybgaley agaasimaha guud ee wasaaradda adeega bulshada Aweys sh.xadaad iyo masuuliyiin katirsan XSKK,masuuliyiinta xiriirada kala duwan iyo ciyaartoydii hore ee Kubadda koleyga gabdho iyo wiilal.

Ku-simaha Gudoomiyaha XSKK ahna ku-xigeenka Cali Xassan Cali ayaa halkaasi ka sheegay in XSKK dadaal xoogan usoo galay qabashada tartanka horyaalka heerarka 1-2aad,isagoo xusey in sanadkaan tartanka uu noqon doono mid is bar-bar socda oo labada qeybood la ciyaari doono maalintii.

“Dhamaan kooxaha ka qeybgalaya tartanka waxaan ku wargelineynaa inay muujiyaan ciyaar wanaag iyo asluub sareysa,inagoo balan qaadeyna in abaal-marino qaali ah lagu bixin doono tartanka marka uu dhamaado”ayuu raaciyey Mr cali.

Cabdi C/laahi Axmed (Baasaalle) oo ah Kaaliyaha xoghayaha XSKK ayaa waxaa uu sheegay in tartanka lagu maamuli doono xeerarka caalamiga ah ee KK,sidaasi darteed ay muhiim tahay in kooxaha iyo maamulada ay Ilaaliyaan Sharciyada u degsan Kubadda koleyga,sidoo kalena ay kooxaha dhowraan saacadaha tartanka ee horey loogu qeybiyey.

“sanadkaan horyaalku waa uu ka duwan yahay sanadihii hore sababtoo ah kooxaha heerka 1-aad labada ugu hooseysa waxay u dhici doonaan heerka 2-aad,sidoo kalena labada kooxood ee ugu sareeysa heerka-2aad waxay aadi doonaan heerka 1-aad” ayuu yiri baasaalle.

Aweys sheikh xadaad Agaamiha adeega bulshada oo ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu si weyn ugu amaanay XSKK dadaalka iyo qabashada tartamada kala duwan ee lagu hormarinaayo kubadda koleyga,taasi oo wasaaradiisu fiiro gaara u yeelaneyso xiriirada dadaalka sameeya.

“waxaan doonayaa inaan fariin u diro madaxda dalka waa inaad ogaatiin in Sportiga aad uga qeeyb qaato nabadda iyo horumarka dalka,sidaa darted waa inaad dhaqaale ugu talo gashaan ciyaaraha oo ay Wasaarada,GOS iyo xiriirada ay aad ugu dadaalayeen daboolitaanka baahiyaha qabashada tartamada kala dawn”ayuu yiri xadaad oo si rasmiya u furey horyaalka.

Tartanka horyaalka qeybta 1-aad ayaa waxaa ka qeybgalaya ilaa 8 kooxood,halka heerka 2-aad ay 5 kooxood ka qeeybgalayaan waxaana kulankii ugu horeeyey wada ciyaaray kooxda DEKEDAHA oo horyaalka difaacaneysa iyo Plasma University waxaana 52-31 guushu ku raacdey Wiilasha Dekedda.

C/XAFIID C/SAMAD ZACIIMKA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com