Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu berri uga qeyb
galo magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya shir looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda dalka Koonfur-Sudan.
Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka mid yahay Madax ka tirsan urur-goboleedka IGAD oo codsatay in shir degdeg ah laga yeesho dagaallada iyo dhibaatada ka socoto Koonfur-Sudan, si xal loo gaaro.
Eng Yariisow ayaa xusay in madaxweynaha inta uu joogo Kenya uu kulamo goonni goonni ah la qaadan doono madaxda IGAD.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu ka murugeysan yahay dhibaatada dadka Soomaalida ah ka soo gaartay dagaallada ka socdo Koonfur-Sudan, ayna qorsheynayaan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo saari lahaa halkaas.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com