Top News: Axmed Daaci “Ra’iisul Wasaaraha Waxaa Ka Codsaneynaa Wasiir Aan Madaxtooyo Soo Dhaafeyn Inuu Noo Soo Magacaabin”.

0

Axmed DaaciMuqdisho (AGGM: Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed in aanu soo magacaabin Wasiiro aanay ku shaqeyn Wasaaradahooda.

Axmed Daaci oo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub oo ka dhacday xalay degmada Wadajir ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu soo magacaabo Wasiiro karti leh oo samata bixin kara shacabka, isla markaana soo dhex geli kara.

Waxaa uu ku dhaliilay Wasiiradii horay u soo maray Xukuumadihii hore in aanay soo dhaafin Madaxtooyada, isla markaana wasaaradahooda aanay ku shaqeyn sida uu yiri.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka codsanayaa in aanu noo soo magacaabin Wasiir aan madaxtooyada soo dhaafeyn oo wasaaradiisa aanu ka shaqeyn, shacabkiisana aanu soo dhex galeyn”ayuu yiri Axmed Daaci.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in looga baahan yahay in Wasiirada ay ku dhex shaqeeyaan Wasaaradahooda, isla markaana shacabkooda soo dhex galaan, maadaama uu tilmaamay in magaalada laga saaray Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaaka ayaa lagu eedeeyaa in aanay degin xarumaha dowladda iyo degmooyinka qaar, waxaana ay ku uruureen Hotelo ku yaal Jidka Maka Al-Mukarama iyo Guryo ku dhow dhow Madaxtooyada sababo ammaan dartood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com