Maqaal: Daljire Aamiin Caamir Qabyaaladeyste Ma Ahan Laaluushna Ma Qaato.W/Q Cabdinaasir C. Hangash (Haad).

0

amiinDALJIRE AAMIIN CAAMIR QABYAALADEYSTE MA AHAN LAALUUSHNA MA QAATO.
Waxaan dhawaanahaan arkayay maqaallo iyo muuqaallo lagu faafinayo in uu farshaxamiiste Aamiin Caamir yahay qabyaaladeyste iyo laaluush-qaate. Nasiibdarro dadka arrimahaas ku andacooday noomaysan soo raacin wax la taaban karo oo ay eedeyntooda ku dabakhayaan. Kaliya waxay Aartiistaha ku sayreen eedeyn khalli ah iyo waliba hanjabaad ku laran, taasoo u muuqata dulmi sidaas daraadeedna waxay arrintaasi sii adkeysay taageero-soomaaligii aan horay ugu haynay Aartiiste Aamiin.

AAMIIN CAAMIR QABYAALADEYSTE MA AHAN.

Aamiin Caamir qabyaaladeyste maahan maxaayeelay farshaxankiisa kuma saleeyo dhalasho iyo magac ee wuxuu ku saleeyaa aragtidiisa iyo sida ay markaas wax ula muuqdaan. Tusaale ahaan, Aamiin Caamir wuxuu si aad ah u taageeri jiray Raysal Wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuuna mucaarad weyn ku ahaa Raysal Wasaarihii hada xilka ka dagay Saacid Faarax Shiirdoon. Hadii uu Aamiin dhalasho dadka ugu kala eexanayo ama shaqadiisu dhalasho ku saleysantahay labadaas masuul waa isku jifo sidaas daraadeedna ama wuu wada mucaaradi lahaa ama wuu wada taageeri lahaa.

Aamiin sidoo kale wuxuu had iyo goor mucaaradaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamuud (Faroole) isagoo dhinaca kalena taageera murashaxa gobolkaas Shire Xaaji Faarax. Labadaan nina waa isku jifo. Hadii uu Aamiin Caamir dadka dhalasho ugu kala eexanayo ama aragtidiisa dhalasho ku saleynayo labadaan nin ama wuu wada mucaaradi lahaa ama wuu wada taageeri lahaa.

Waxaan sidoo kale la soconnaa in uu Aamiin mucaaradi jiray Madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed halka uu in badan taageeray madaxweynaha hada xilka haya, Xasan Sh. Maxamuud. Labada nin waa isku jifo e muxuu Aamiin usoo kala soko marsaday haduu dhalasho iyo qabyaalad wax ku saleynayo?

Aamiin Caamir ma ahan qabyaaladeyste ee qabyaaladeystayaasha ayaa u qaba inuu yahay qabyaaladeyste.

AAMIIN CAAMIR MA QAATO LAALUUSH.

Sidoo kale waa wax aysan waxba ka jirin in la yiraahdo Aamiin Caamir laaluush buu qaataa. Waan ku gacan sayrnay cid kastoo isku dayda in ay fikirkaas khaldan naga dhaadhiciso.
Hadii aan su’aal weydiino dadka sidaas ku andacoonaya, Yaa Aamiin siiya laaluushka? Yaa ku biila hawlaha ballaaran ee uu bulshada Soomaaliyeed u hayo?

Tusaale ahaan, maalmaha sida gaarka ah loo dabaal dego wuxuu xirfadiisa ku muujiyaa shucuurta dalka iyo dadka. Yaa adeegaas kharash ku bixiyay oo ku amray inuu qabto?

Wuxuu sawir fiican ka bixiyaa hadba meesha ay siyaasada iyo marxalada dalku marayaan. Wuxuu ka qayli keenaa dadka dhiban ee aysan ciduna ka war hayn hadii ay yihiin fanaaniin, Abwaanno, suxifiyiin, hooyooyin, qabaaillo, iwm. Yaa kharaj ku siiya dadaalkaas?
Wuxuu qeexaa dalka qaybtiisa dhacan, cida dhacday, dadka wax booba iyo kuwa la boobay, maatada la xasuuqo iyo cida xasuuqday, iwm. Yaa kharaj ku siiya difaacaas?

Wuxuu farta noogu fiiqaa iimaan laawayaasha, wax ma tarayaasha, nabad-diidka, qabyaaladeystayaasha, qaswadayaasha, dabadhilifyada iyo dabaqoodhiyaasha iyo kuwa qaranka xada. Yaa kharaj ku siiya Qaran-jirnimadaas?

Dadka ku andacoonaya in uu Aamiin Caamir laaluush qaato waa in ay daliil raaciyaan dacwadooda ayna noo soo bandhigaan magacyada dadka fangareeya (inkastooy iyagu laaluush u arkaan) hawsha baaxadeedu intaas le’egtahay ee uu ku feero jabay Daljire Aamiin Caamir?

W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa luqyare@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com