Dhageyso+Daawo Sawirada: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Xafiiska Laga Qaadanayo Warqadda Dhalashada.

0

dad9Muqdisho (AGGM): Xaruntan maanta uu xariga ka jaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ah Waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, halka laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya.

Munaasibad Kooban oo xariga looga jarayey xafiiska waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa ka soo qeyb-galeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan.

Guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar “Cali Xamari” ayaa ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.

Sidoo Kale gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.

Maanta ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey warqadda dhallashada muwaadinnimada xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo mas’uulyiin kale oo maamulka gobolka Ka mid ah.

Shalay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Daah-furay Nidaamka cusub ee Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay wax uga badeshay Baasaboorka Soomaaliga.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Gudoomiye Tarsan


dad dad1 dad2 dad3 dad4 dad5 dad6 dad7 dad8 dad9 dad10 dad11 dad12 dad13 dad14
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com