Muqdisho (AGGM): Sii hayaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Soomaaliya C/kariin Xuseem Guuleed wuxuu sheegay in si loo ilaaliyo amniga dalka Shacabka Soomaaliyeed looga fadhiy qaadashada E Pasaport-ga cusub ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi Wuxuu ku daray in qaadashada Kaararka aqoonsiga dalka ay faa’iido weyn u leedahay ilaalinta amniga dalka sidaasi darteedna Shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay muddo 90 cesho gudohood ah inay ku qaataan kaararka aqoosiga.
Isku soo wada duuboo Wasiir Guuleed, ayaa waxa uu sheegay in Simkaarada ay adeegsadaan xilligan shacabka in iyaga qudhoodu ay qeyb weyn ka qaataan amni darrada dalka sidaasi darteedna loo baahan yahay in shacabku ay qaataan Simkaaro aqoonsi leh.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Dhageyso Sii Hayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com