(Warbixin) Faarax Sakiin Waa Madaxweynaha Qarsoon ee Soomaalia

0

faarax sakiinMuqdisho:(AGGM) Faarax C/Qaadir oo hada ah Sii hayaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya waa mid kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow ama la shaqeeya M/Weyne Xasan Sheikh.

Faarax waxa uu madax ka ahaa Hay’ada African Muslim Agency ee taakuleyn jirtay Goobo waxbarasho oo ku yaala Muqdisho sida dugsiyo sare iyo Jaamacada Simad ,isagoona xubin muuqata kasoo noqday Kooxada Damul-Jadiid ee hadaba ku badan Dowladda.

Howl ka baxsan Shaqada rasmi ahaan uu ku magacaaban yahay Faarax C/Qaadir oo ah Wasiru-Dowladda Madaxttoyada ayaa la sheegaa inuu Dowladda  u hayo , waxaa kamid ah jaangoynta siyasada Dowladdu wax ku maamusho,inuu saxiixo heshiisyo Caalami ah oo shaqadaasna uusan isaga laheyn.

Qaar kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada ayaa Allgalgaduudcom u sheegay in Ficilada Mr Faarax ay u muuqdaan sida M/Weyne oo kale ,M/weynahana uu isaga wax kasta kala tashto.

Awoodahaasi muuqada ee Wasiiru Dowladaha Madaxttoyadu leeyahay ayaa sababay in dadka siyaasada daneeya ama aad ula socda ay u yaqaanaan magacyo kala duwan oo ay kamid yihiin Faarax Sakiin,Malkiilahga M/Weynaha iyo xog walba hayaha Dowladda Soomaaliya.

Inkastoo Wasiirada Damu-Jadiidka ah ay ka dhax muuqdeen Xukuumadii Soomaaliya hadana Faarax waxa uu aad u Contorolaa howalaha ay qabtaan Wasiirada siyaabaha kale ku yimi si uu ugu gudbiyo M/Weynaha.

Isweydiinta ugu badan ee shacabka ayaa ah Faarax C/Qaadir isagoo aan laheyn waaya aragnimo siyaasadeed inuu howl muhiim ah ka qabto Xarunta Madaxtooyada ,waxaana xusuus u baahan in xilyada Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda loo diido inay u tagaan M/Weyanaha isaga aan laga celin Karin oo uu u gudbo.

Ujeedada madax weyne Xasan uu ugu magacaabay Faarax C/qaadir Wasiir Dowlaha Madaxtooyada ayaa ah in loo sharciyeeyo  joogistiisa Madaxtooyada  iyo ku lug la haanshaha Siyaasada Dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com