Baydhabo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya dadka gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka arkayaan howlo ballaaran oo la sheegay in dhegxaan,lugu uruurinayo ay ka socdaan deegaanno ka tirsan gobolkaas.
Waxaa la sheegay in baabur kuwo xamuulka qaada ay si aan kala jogsi lahaayeen u wadaan daabulka dhegxaan laga aruurinaya qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Dhegxaantaan waxaa la sheegay inay aruursanayaan ciidan Ajnabi ah, oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,waxana deegaannada sida xooggan xilligan ay ka socoto dhegxaan uruurinta ka mid ah deegaannka Buur Eyle oo ka tirsan gobolka Baay.
Waxaa la xaqiijiyey in ciidanka AMISOM oo muddo toddobaad laga jooggo fariisimo ka sameystay deegaannka Buur Eyle, ayaa waxay iyaga iyo Ciidan kaloo Cadaan ah, ay ka daabulayaan dhegxaantaan.
Goobta xilligaan la sheegay inay ka socoto daabulka dhegxaanta ee ah deegaanka Buur Eyle, waxay qiyaastii 50km u jirtaa Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, waxayna ku dhow dahay Garoonkii Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee Balli-doogle.
War-baahinta oo la xirirtay qar ka mid ah dadka deegaannaka ayaa waxaa ay sheegen in Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka kale ee wehlinaaya, ay si xooggan dhegxaanta uga daabulayaan deegaankaasi.
Telefishinka ku hadla Afka Soomaaliga ee la yirahdo Universal-Tv ayaa boggisa internedka waxaa uu ku soo daabacay in ay socdaan dhexgaxaan aruurin in muda ah,waxana ay soo xigteen Ibraahim Muuse Muudeey oo ay ku sheegeen inuu ka mid yahay shacabka ku dhaqan deegaanka Buur Eyle, waxana uu sheegay in ay dhegxaanta ku daabulayaan gawaarida nooca xamuulka,waxaana uu hadalkiisa ku soo qaaday in dhegxaantaan ay dhex ceecaagayaan kheyraad, sida uu yiri.
Sidoo kale qeybo ka mid ah dadka deegaannka ayaa ugu baaqay dowladda faderaalka Soomaaliya inay indha dheer u la haato howlaha ay wadaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka iyo ciidamo kale oo ajnib ah kuwaaso ay sheegen inay wadaan in kheyradka dalka aruursadan.
Tan iyo markii ay meesha ka baxdey dowladdii dhexe ee dalka,ma jiri cid si dhow ula socotay kheyradka dhulka Soomaalida uu leeyahay oo inta badan la sheego in dibadda loo qaado.
Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo arrintan la xiriira oo ka soo baxay dowladda faderaalka Soomaaliya iyo saraakisha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com