Muqdisho (AGGM): Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ra’iisul wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed ugu hambaliyeeyay inuu si rasmi ah xafiiska ula wareegay maanta.
Ra’iisul wasaaraha oo 12-kii December uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay maanta ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Dr. Cabdiwali oo cod loogu qaaday kulan ay ka qeybgaleen 243 mudane ayaa helay kalsoonida 239 xildhibaan.
Nicholas Kay ayaa sheegay in ansixinta ra’iisul wasaaraha ay xilligan muhiim u tahay horumarka iyo nabadda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) uu sii wadi doono taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siiyo dedaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay in ra’iisul wasaaraha cusub uu ka rajeynayo inuu wada-tashiyo sameeyo si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka sharci, dowlad-wanaag iyo horumarinta u horseedda dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com