Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

0

dagaal-afmadowAfgooye:(AGGM) Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaalia ayaa Saakay ka
dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamo ay u tiilay Isbaaro ay isku dhaceen kuwo kale oo doonayey in ay Isbaarada Qaadaan.

Waxaana inta la Xaqiijiyey ku Geeriyooday Hal Askari,halka Labo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaa oo dhamaantood ahaa Ciidamadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanka Mukayga ee Duleedka Waqooyi ee Magaalada Afgooye kaasi oo hada yara istaagay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com