Dhageyso:Madaxweynaha Soomaalia oo Amar adag Soo saaray

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Dowladda Soomaalia Xasan Sh Maxamuud oo ka hadlayey Munaasabad lagu Xusayey Aas aaska Ciidamada Booliska Soomaalia oo Xalay lagu qabtay Xaruunta Taliska Booliska ayaa sheegay in ay la dagaalami doonan Ciidamada Isbaarooyinka Dhigta.

Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in la Dili doono Askarigii la arko asagoo Dhibaateenaya Shacabka Soomaaliyeed,Dowladduna ay Go,aan ka qaadatay Arintaasi.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Soomaaliya waxay kala Saxiix deen Heshiis,in ay wada jir ula dagaalamaan Kooxaha Isbaarooyinka Dhigta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Kooxaha Isbaarooyinka dhigta ay Caqabad ku yihiin Amaanka Dalka,dagaalna lagu qaadi doono sida uu sheegay.

Waxaan la ogeen wax ka dhaqan gali doona Amarkaan ka soo baxay Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sh Maxamuud ee ku aadan in lala dagaalamo Maleshiyaadka Isbaarooyinka Dhigta.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Madaxweynaha Soomaalia xasan sh maxamuud

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com