Dhageyso: Maxamuud Sayid “Annaga Waxaa Nasoo Dirsaday Dadka Gobolka Gedo Dagan”

0

Maxamuud-Sayid-Aadan-300x266Baydhabo (AGGM):Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa dhawaan gaaray Wafdi uu hogaminayo Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitimay gobolka Gedo waxaana wafdigaasi la sheegay inay ka qayb galayaan shirka maamul u samaynta lixda gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya kaasoo gogoshiisu ay taal magaalada Baydhabo.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah Masuuliyiinta gobolka Gedo ku sugnaa mudada hogaaminayayna wafdiga Baydhabo gaaray ayaa waraysi gaar ah oo siiyay Warbaahinta wuxuu uga warbixiyay Socdaalkooda isagoona xusay degmada Baydhabo in si diiran loogu soo dhaweeyay isla markaana Wafdigoodii ay qayb ka noqdeen qorshaha maamul u samaynta deeganadaasi.

Wuxuu sheegay Mr Sayid deeganada lixda gobol ee Maamulka loo samaynayo inay yihiin kuwa ay daganyihiin dad isku xiran isla markaana aan labo qaybood loo kala jari karin.

Sidoo kale wuxuu difaacay Socdaalkooda magaalada Baydhabo isagoona xusay dadka deegaanka Gedo ee ay ka yimaaden inay soo dirsadeen.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Dhageyso Maxamuud Sayid Adan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com