Muqdisho (AGGM): Munaasabadani casha sharafta ah ee uu soo qaban qaabiyay Taliska ciidamada booliska soomaaliyeed islamarkaana lagu xusayay xuska 70 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliye, xubno ka mid ah labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada booliska, xooga dalka, sirdoonka iyo nabad sugida Qaran, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo marti sharaf kale,
Munaasabadda oo ka dhacday taliska ciidamada booliska Soomaliyed ayaa kooxaha fanaaniinta ah ee ciidamada boliiska Heegan, waxa ay ku soo bandhigeen ruwaayado ay aad ugu riyaaqeen ka soo qeyb galayaasha oo la magac baxday 70 jir talo maseegto oo ka hadleysay howlaha muhiimka ah oo ay ciidamada booliska u hayaan shacabka Soomaliyeed .
Ruwaayadaha iyo heesaha xalay lagu soo bandhigay munasabadda casha sharafta ah ee loogu dabaal dagayay sanad guuradii 70 ee aas aaska ciidamada booliska ka dib waxa laguda galay khudbadihi loogu talo galay xafladda, waxaana goobta ka hadlay taliyaha CXDS sareeyo guuto Daahir Aadan Indho Qarsho iyo taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac waxayna si wadajir ah ugu hambalyeeyeen ciidamada booliska iyo shaqada wanaagsan oo ay shacabka Soomaliyed u qabteen.
Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyed Jeneral C/xakiim Daahir Saciid oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in boolisku ay ku guuleysteen wax yaabo badan oo suurta galiyay sugida amniga waxa uuna tilmaamay in ay farxad gaar ah u tahay sanad guurada ciidanka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaliyeed mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in boliisku uu yahay hooyada ciidamada uuna ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka iyo dalka loona baahan yahay in lagu taageero howsha baaxadda leh oo ay u hayaan dalka iyo dadka.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo gaba gabadii xafladii xalay ee loogu dabaal dagayay aas aaska ciidamada booliska khudbad dheer oo dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay ayaa ugu horeyntii ka hadlay aas aaska ciidanka booliska iyo maanta howlaha ay dalka ka haayaan.
Mudane Xasan Sheikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay wax u qabashada agoonta ay aabayaashooda ku dhinteen difaaca dalka ee ka tirsan ciidamada qalabka sida waxa uuna tilmaamay in siyaasadda dowlada ay qeyb ka tahay wax u qabashada agoonta.
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shekh ayaa gaba gabadi hadalkii uu ka jeediyay munaasabadda casha sharafta aheyd ee loogu dabaal dagayay sanad guurada 70 aad ee aas aaska ciidamada booliska waxa uu kusoo hadal qaaday dadka wali ay jid gooyooyinka u yaalaan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya uu sheegay in tilaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan loona baahan yahay arrimahaasi in laga gudbo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com