Muqdisho:(AGGM) Munaasabad lagu maamuusayo 74 Guuradii ka soo wareegatay Aas aaska Ciidamada Booliska Soomaalia ayaa ka socota Dugsiga Tababar ee Janaraal Kaahiye.
Amaanka Magaalada Muqdisho,ayaa Saakay si weyn loo adkeeyey,waxaana Wadooyinka Magaalada Muqdisho la soo dhoobay Ciidamada Dowladda Soomaalia oo sugaya Amaanka Magaalada.
Munaasabada lagu Xusay Aas aaska Ciidamada Booliska ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Sare ee Dalka Saraakiisha Ciidamada Soomaalia iyo kuwa AMISOM ee jooga Dalka Soomaalia.
Waxana Gabi ahaan Saakay xiran Wadad Dakedda,Tan Buuntoyinka iyo Maka al-mukaramma oo ka liya ay isticmaalayaan Ciidamada iyo Dadka lugta ah .
Ciidamada Booliska Dalka Soomaalia ayaa la dhisay 20-December Sanadkii 1943-tii,ayadoona Sanad walba xiligaan oo kale loo dhigo Munaasabad lagu Xusayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com