Nairobi (AGGM): Michael Adebolajo oo ah Muwaadin u dashay dalka Britain ayaa Dowlada Kenya waxay ku eedeysay inuu doonayay ku biiritaanka Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaliya.
Ciidamada Amaanka Kenya ayaa Shaqsigani iyo Shan kale kale ka qabtay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya,kuwaasi oo doonayay inay u soo talaabaan Soomaaliya ka dibna ay ku biiraan Ururka Al-Qaa’ida Xiriirka la leh ee Al-shabaab,sida Boliiska Kenya ay sheegeen.
Sidoo kale, Michael Adebolajo ayaa lagu eedeeyay inuu diyaarinayay inuu u soo gudbo wadanka Somaliya,islamarkaana tababar iyo dagaalba uu la wadaago Al-shabaab,kuwaasi oo ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Wesygate Mall ee Magaalada Nairobi.
Waxaa la soo bandhigay muuqaal muujinaya Michael Adebolajo oo saaran masraxa Maxkamada Kenya,kaasi ka xun xariga ay u geysteen Ciidamada Kenya.
Muwaadinkaan Britishka ah ayaa Maxkmada Kenya u sheegay inuu doonayay inuu u soo guuro Soomaaliya,si uu ugu Noolaado wadan Shareecada looga dhaqmo.
Afhayeen u hadlay Xafiiska arimaha dibada ayaa xaqiijiyay in Muwaadin British Kenya lagu xiray sanadkii 2010.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com