Damul Jadiid Iyo Damacooda Dhicisoobay.W/Q. Eng. Raage Xasan Waayeel

0

swBismilaah, Ummada somaliyeed Oo ku kala nool 18 ka gobal ee Somalia manta oo ay taariiqdu tahay 12-18-13 ka waxaan jeclaaday inaan usoo gudbiyo taariiq yar oo kooban Iyo hamiga urur diimeedka damul jadiid ee uu kow kayahay madaxwaynaha dalka Hassan shiekh Mahamuud sida darteed waxaan jeclaan laha in umada somaliyeed ay si dhaba u qaataan qoraalkaan kooban ee ku saabsan cida manta haysa talada dalkeena Soomaaliya.

Madaxwaynaha dalkeena mudane Hassan sheikh Mahamuud sidaad la socotaan markii la doortay umada somaliyeed hanwayn Iyo hididiile qaranimo ayey ku taamayeen waxayna ku fakarayeen qodobadan soo socda oo ay shacabka somaliyeed dal Iyo dibadba 99% ku fakarayeen waxayna kala ahaayen saan

1 In dalkoodii kabaxay ku meel gaarki
2 In rajadii umada ay soo labatay
3 In lahelay madaxwaynahi xiligaan dalku u baahnaa

4 In Somalia midoobayso oo Qabiil Dhamaaday
5 In Soomaaliya ay mustaqbalka dhow cagaheeda isku taagayso

Balse waa beenowday Oo umadi somaliyeed waxaa ku dhacay hanjab niyad xumo burbur kala qaybsanan Iyo qabyaladii Iyo dagaladii ahligahaa oo soo laabta
Iyo kala shaki aan abid Somalia soo marin oo ku salaysan qabiil Iyo wax lamida saas owgeed maxaa usabab ah hadaba.

1- Madaxwaynaheena Somalia Hassan shiekh Mahamuud Waxuu xayndaabka ugala urur la yiraahdo damul jadiid oo aan aragti dheer Iyo aqoon badani jirin

2- Madaxwaynaheenu waxuu mooday Soomaaliya waqtigii 1969 kii oo kale ay Soomaaliya tahay iskana dhaadhacshay in dalka awood urur AMA kooxeed ay dalka maamuli Karan lakin uusan xalka dalku saas aheen.

3- Damul jadiid oo ah kooxo NGO u wada shaqayn jiray oo haykalka dowladnimo u qaatay qaab NGO.

Saas owgeed Ummada Somaaliyeed Alaha ka badbaadsho kana saaro waxa kusalaysan isirka Iyo qabyaalada  in ay dib usoo laabtaan oo ay sabab u yihiin ururka Damul Jadiid ee damacoodii uu dalka uga sii daray.

Wabilaahi Towfiiq

W/Q. Eng. Raage Xasan Waayeel

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com