Baydhabo (AGGM): Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa goor dhaw Madaafiic ku weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in 90:00 Subaxnimo ee Saakay ilaa iyo 4-Madfac oo ah Hoobiyaal ay ku soo dhaceen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,halkaa oo ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM ee Jooga Soomaalia.
Madaafiicda ayaan Geeysan wax Qasaaraah,sida ay AllGalgaduud u sheegeen Saraakiil ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xaruunta u ah Gobolka Baay,
Xasan Mayoow oo kamid ah Ciidamada Dowladda Soomaalia ayaaAllgalgaduud u sheegay in Madaafiicda Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka soo tureen Galbeedka Garoonka Magaalada Baydhabo,kadibna ay iska Carareen.
Waxuu intaa ku daray in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaalia ay ku baxen Goobta ay Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ay Madaaficda ka soo Tuureen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com