War Yaab Leh+Dhegayso: Falaagada Al Shabaab Oo War Kasoo Saaray Dagaalka Shabeelaha Hoose”.

0

al shabaabMuqdisho (AGGM): Horjoogaha maleeshiyaadka falaagada ah ee Al Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’med Abuu Cabdalla oo hadal ka jeediyay Shir lagu heshiisiinayay Beelaha Biyo-maal iyo Haba-gidir oo ka dhacay Degmada Buula-mareer ee Gobolk Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay xil iska saareen sidii ay ku joojin lahaayeen dhiiga shacabka ee daadanaya iyo beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya.

Horjooge Max’med Abuu Cabdalla oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta ku hadasha Afka  Falaagada aragagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in kulamo laqaateen odayaasha beelaha ku dagaalamaya shabeelaha Hoose ayna bilaabeen dadaalo nabadeed oo lagu doonayo in xal waara looga gaaro colaadda.

Sidoo kale waxaa wax laga waydiiyey waxyaabaha Keenay Inay Haatan iyagu Farageliyaan Dagaalada u Dhaxeeya Beelaha daga Shabeelaha, aritaas ayuuna waxa uu uga yjawaabay si ay dadku la yaabeen..

Horjooge Abu Cabdala ayaa sheegay in maamulka Gobolka Sh/hoose ka indho qabsan waayeen dagaalka dhiiga badan uu ku daadanayo ee Deegaano ka tirsan Sh/hoose uu ku dhexmarayo Maleeshiyo Hubeysan.

Isku soo wada duuboo Horjoogaha falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hada sheegay in Odayaashii ay la kulmeen ee ka socday labada dhinac wada gaareen heshiis hordhac ah oo ku aadan in Ciidamada is horfadhiya lakala qaado, hoowshaas oo ah hooshii ay qaban lahayd balse ay gabtay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Dhageyso warka cusub ee ka soo baxay Al Shabaab

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com