Ceelbuur (AGGM): Odayaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ayaa ka dalbaday Kooxda Al shabab in ay sii daayaan Tiro Nabadoono ah oo ay ku xireen Degmadaas.
Sheekh Xasan Xaaji Cali, oo kamid ah Odayaasha Degmada Ceelbuur, ayaa u diray Codsi Horjoogiyaasha Maamulka Kooxda Al shabab ee Degmada in dib ay xuriyadooda u siiyaan Odayaasha ay Xabsiga ku hayaan mudo 20 Maalmood ah.
Nabadoon Sheekh Xasan Xaaji Cali,ayaa sheegay in dhowr jeer ooh ore sidan oo kale Baaq kan lamid ah u jeediyeen Al shabab oo ku aadan sii deynta Odayssha xiran, balse aysan wax Jawaab ah ka helin Kooxda.
“Ma jiro wax denbi ah oo ay geysteen Odayaash xiran, waxaan ku celinaaynaa markale in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Odayaasha, waa Odyaashii deegaanka waligood ku noolaa, Xabsi ayay ku jiraan 20 Maalmood, qaarkood way xanuunsanayaan,”ayuu yiri Oday Sheekh xasan.
Kooxda Al shabab ay ku eedeysay Odayaasha xiran in ay kasoo horjeesteen Amaro ay duldhigeen dadka Reer Ceelbuur, oo ah in ay iska soo aruuriyeen Lacago ay ku dagaal galaan, taasi oo ay ka biyo diideen Odayaashan.
Dhowr Qof ayay dhowaan Al shabab ku Gowraceen Degmada Ceelbuur kadib markii ay ku eedeeyeen Amar diido iyo in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com