Wajeer (AGGM): Inta la og-yahay hal ruux ayaa ku dhintay sadex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib rasaas kooxo hubeysan ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taala degmada Wajeer ee gobolka Woqooyi bari Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in goobta ay rasaastu ka dhacday aysan joogin saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada Kenya.
Kooxaha weerarkan geystay oo aan la ogeyn waxay ahaayeen iyo ujeedkooda ayaa ka baxsaday goobta iyadoo aysan jirin war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay Booliska degmada Wajeer.
Hase ahaatee Booliska ayaa wada howlgalo ay ku daba galayaan kooxaha weerarkan geystay si ay u soo qabtaan, waxaana dhacdadan ay walaac ku abuurtay shacabka degmada Wajeer.
Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayey sanadihii ugu dambeeyey weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu qaadayey, xarumaha Booliska, kaniisadaha iyo meelo kale, kuwasoo Kenya ay ku eedeyso Al-shabaabka ka dagaalama Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com