Top News: Sarkaal U Dhashay Dalka Talyaaniga Oo La Wareegaya Tababarka Midowga Yurub Ee Ciidamada Soomaaliya.

0

italMuqdisho (AGGM): War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in howlgalka tababarka askarta dowlada Soomaaliya, laga soo wareejin doono dalka Uganda laga dhigi doono magaalada Muqdisho, iyadoo ay ugu wacan tahay amaanka ka jira magaalada Muqdisho, sida warka lagu sheegay.

Howlgalkaasi oo bilowday horaantii sanadkii 2010, ayaa waxaa tababar lagu siiyay 3.600 oo askar Soomaaliyeed, waxaana badankood tababarkaasi ay ku qaateen xerada Bihanga oo 250 Km u jirta galbeedka caasimada Uganda ee Kampala, halkaasi oo xarunta midowga yurub ay aheyd.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in bilaha ugu horeeyo ee sanadka 2014 tababarka lagu qaban doono magaalada Muqdisho, waxaana la siin doonaa ciidamada tababaro dheeraad ah.

Ujeedada laga leeyahay tababarka midowga Yurub ee Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay xasilinta amaanka dalka Soomaaliya oo muddo sanado ay dagaalo ay ka socdeen.

Warsaxaafadedka kasoo baxay midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal Talyaani ah uu loo magacaabay hogaanka howlgalka, waxana lagu magacaabaa General Massimo Mingiardi, waxaana xilka uu qaban doonaa Febraayo 15, isagoo kala wareegaya taliye u dhashay dalka Ireland General Gerald Aherne.

Howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay ee bisha May 31 sanadka 2015.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com