Top News: Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Oo Sheegay Inay Soo Qabteen Maxaabiis La Fakiyay.

0

Cirfo-300x225Guriceel (AGGM): Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay ku guuleysteen qabashada shan qof oo ku eedeysnaa dilal ay ka geysteen Guriceel iyo Matabaan oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan,.

Wuxuu carrabaabay in maleeshiyo hubeysan ay bishii hore xabsiga deegaanka Guriceel ka sii daayeen eedeysanayaasha.

Cirfo ayaa tilmaamay in maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe iyo dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud ay gacan ka geysteen soo qabashada eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maanta oo Arbaco ah ay la kulmi doonaan ehelada dadka eedeysanayaashu ay dileen, si loogu wargeliyo in gacanta lagu haya tuhmanayaasha.

Wuxuu sheegay in goor dhow sharciga la horgeyn doono eedeysanayaasha oo hadda ku jira gacanta maamulka gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com