Muqdisho(AGGM)Iyadoo Maalin Qura ay naga Xigto Xiliga Baarlamaanka la Horgeynayo Raisalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya C/wali Sh. Axmed Maxamed ayaa waxaa soo baxaya Warar hoose oo sheegaya in tiro Xildhibaano ah ay wadaan Qorshe lagudiidayo Raisalwasaaraha.
Warar Hoose oo ay Heshay Allgalgaduud ayaa Sheegaya in Xildhibaano ay wadaan Abaabul ka dhan ah Raisalwasaraha uu dhawaan Soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Maalinta beri ah lagu wado in Baarlamaanka la Horgeeyo. Mudanyaashaan ayaa ayaa Baarlamaanka dhexdiisa waxa ay ka wadaan Qorshe ay ku Madaxweynaha dib ugu Celinayaan Raisalwasaare C/wali Sh. Axmed Maxamed.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Allgalgaduud u sheegay in ay ka Go’antahay in ay Maalinta Biri ah oo ku aadan Xiligii loo qabtay in Raisalwasaaraha Cusub uu Horyimaado Baarlamaanka ay go’aan rasmi ah ka gaari doonaan R/wasaaraha Cusub.
Muadanyaal kale oo Taageersan Go’aankii uu Madaxweynaha ku soo Magacaabay R/wasaaraha cusub ayaa iyaguna qaba in uu Meel mari doono Ansaxinta Raisalwasaare C/wali Sh. Axmed Maxamed.
Ugu damebyntii lama Oga in sida uu dhaqan gali karo Qorshahaan la doonayo in dib loogu Celiyo madaxweynaha R/wasaarihii uu soo magacaabay 12-kii Bishaan, waloow laga yaabo in Ansixinta Raisalwasaaraha uu Madaxweynaha uu adeegsado lacago badan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com