Dhageyso: Nabdoon Axmed Diiriye Oo Baaq U Diray Beelaha Ku Dalaagamaya Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

AXMED DIIRIYE CALIMuqdisho (AGGM): Xilli deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose ay ka dhacayaan dagaalo beeleedyo udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed, ayaa Odayaasha dhaqanka, waxa ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalada ka socda Gobalkaasi.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Muqdisho, ayaa sheegay in dadka dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah, xilligana aysan habooneyn inay daadiyaan dhiigooda oo ay islaayaan.

“War dadkiina deriska ahoow xabada joojiya markaad dad iska leysaan oo hantida ay idinka baab’ado ayaa la arki doonaa idinka nabad kuwada nool”Ayuu yiri Axmed Diiriye.

Sidoo kale Nabadoon Axmed Diiriye ayaa wuxuu ugu baaqay Odayaasha Gobalkaasi inay u istaagaan ka shaqeynta nabadda iyo xasilooni ku noolaanshaha Gobalka Shabeelaha hoose.

Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ku jirto Janaale,Ceelwareegoow, Busleey, Awdheegle iyo Num-50 maalmahan waxaa ka dhacaye dagaalo beeleedyo khasaaro kala duwan geystay.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga.

Dhageyso Nabadoon Axmed Diiriye

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com