Muqdisho(AGGM) Sida la wada og-soon yahay Yey-da ku shirsan Xamar,waxaa soo gashay Yididilo culus oo ku aadan sidii ay u heli lahayeen Dhaqaale badan ka dib riditaankii Xukumadii Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana la sheegaya inay xalay Kooxda Yey-da ah ( XILDHIBAANADA) ee Masiirka Shacabka Soomaaliyeed hor taagan doonayaa sidii lacag badan ku heli lahayeen Ansixinta Raisalwasaaraha cusub ee umadda Soomaaliyeed.
Saacadihii la soo dhaafay,waxaa la arkayey iyagoo xayn-xayn isu aruursanaya kuna shiraya Huteeladda Muqdisho qaarkood isla markaasna ku gorgortamaya dhaqaalaha ay ku ansixinayaan Raisalwasaaraha cusub ee Shalay lagu dhawaaqay,waxaana la sheegayaa inay ku doodayaan inay yareyd dhaqaalihi lagu riday saacid balse tan ay ku doonayan ina ku helaan xildhibaan kasta 100 Kun oo dollarka mareykanka ah.
Xildhibaanada qaarkood waxaa laga soo wariyey warar kala duwan oo kala ah ”’ Xasanoow Magacawday Meel Mari”’ Waxaa Xildhibaan Inaan Noqdo Iga baxday Lacag dhan 30 Kun oo dollar Codkeyguna khasaare mahan” waxaa hadaladaasi ka soo yeerayaan Yey-da ku shirsan Magaalada Muqdisho ee loo yaqaano xildhibaanada.
Kooxdan Yeyda ahi waxay doonayaan wax ay diirtaan sidii Yey-da oo lagu yaqaan inay nafta bini aadamka ka soo reebto Lafaha kaliya,jiidhkana cunto,waxaana ay hadda ku hanjabayaan inaysan ansixin doonin Raisalwasaaraha cusub ilaa la siiyo dhaqaale badan oo lacageed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusow ayaa keenay jiniga isagaana saaraya, Isagaa dhaqaale ku riday Xukumadii hore hadana waxa looga baahan yahay inuu dhaqaale badan ku bixiyo sidii u ansixin lahaa Raisalwasaraha cusub ka dibka ansixintiisa hadii ay ansixiyaan Waxa kooxda Yey -da ahi rabaan Dhaqaale kale oo golaha wasiiradda lagu ansixiyo,waqtigu waa soconaya dhaqaaluhuna waa barbar socdaa ilaa inta kursiga Xasan ay u soo dhiilo dhaansanayaan YEY-du marka ay wax kasta soo cunaan.
Ugu dambeyntii Kooxdan xildhibaanada lagu tilmaamay balse Soomaalida damiirka iyo damaca siyaasadeed ka leh soomaaliya u yaqaanaan YEY-da ayaa la sheegayaa inay wacad ku marayaan in dhaqaale badan la siiyo mooye inaysan ansixin doonin raisalwasaaraha cusub balse looba joogee hadii ay ceebta iska dhaqayaan isla markaasna raisalwasaaraha cusub ee umada si wanaagsan oo aan khilaaf lahayn u ansixiyaa.
Daa,uud Cali Yoonis
Daud23@yahoo.ca
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com