Garoowe (AGGM): Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ayaa ka walaacsan korarka Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo Puntland kuwaas oo gaaraya iminka 22 xubnood inta la hayo oo dalka joogta.
Musharaxiin kale ayaa lagu wadaa in dalka soo gaaraan maalmaha soo socda waxaana Musharaxiintaa doonayaa in xilal kale duwan qabtaan hadii ku guulaysan wayaan xilka Madaxwaynaha.
Dadka ka faalooda siyaasada Puntland ayaa sheegay in doorashadaan ay tahay mid ka adag tii 2009kii waxana iminka laga dareemaya loolan siyaasadeed oo xoogan ka jira Puntland.
Musharaxiinta iyo Madaxda Maamulka ayaa midba midka kale eedeeyay waxaana Labada Musharax ee Gaas iyo farole u muuqdaan kuwa khialafka ka dhaxeeya sii kordhaya.
Ururada Hawaynka Puntland ayaa codsaday in arinta Gudiga xalinta khilaafaadka wax laga qabto si nabad galya ah ugu dhacdo doorashada Puntland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com