Washington (AGGM): Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay Xukun dhawaan Maxkamada Gobalka Banaadir ku riday Gabadh sheegtay in la kufsaday iyo Warayahii baahiyay warkaa iyo milkilaha Idaacada Shabelle Cabdi Maalik yuusuf.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arimaha dibedda Maraykanka ayaa lagu cambaareeyya go,aankaa Maxkamada qaadatay waxaana laga dalbay Dowladda Soomaaliya in ay sii dayso Saxafayiintaa maadama sida qoraalka lagu sheegay aysan helin Xukun cadaalad ah.
Maraykanka ayaa sheegay in xarigaa iyo handaadaha ka hor imaanayaa madax banaanida Warbaahinta waxaana qoraalkaa lagu dalbaday in dadkaa la sii daayo maadaama arimaha la isku haysto suuragal noqon karaan.
Xariga Gabadha la kufsaday ayaa laga yabaa in uu yeesho saamayn maadama dadka dhacdada nuucaan ah ku dhacdo awood u yeelan doonin in uu soo baahiyo waxana tilaabadaa la yaab ku noqotay Boqolaal qof oo u dooda Xuquuda aadanaha.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com