R/wasaaraha Cusub Oo Saacado Ka Dib Lagu Dhawaaqayo Iyo Saxaafada Oo Buux Dhaafisay Villa Somalia.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in la filayo saacadaha soo socda magacaabista Ra’iisul wasaaraha, iyadoo la soo gaba gabeeyay kulamo iyo la tashiyo aad u adkaa oo ku saabsanaa soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha.

Wariyeyaasha ayaa goor dhow looga yeeray Madaxtooyada, iyadoo lagu wado in 4-ta galabnimo lagu dhawaaqo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa iyana loo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay goob joog uga noqdaan magacaabista Ra’iisul wasaaraha.

Wixii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com