Maayarka Laascaanood “Xukuumadda Siilaanyo waa Dawladda kaliya ee ay ka go’an tahay Horumarinta Gobolka Sool”

0

gggg14Laascaanood(AGGM) Maayarka Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool C/Qaadir Jaamac Saalax ayaa si adag u beeniyay eedo uu u soo jeediyay xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Laascaanood oo ku eedeeyay inuu soo abaabulayay mudaharaad xisbiga UCID doonayay inuu ka dhaco Magaaladda Salaasadii kaasi oo aan hirgelin.

Maayarka Laascaanood oo hawlo shaqo u jooga caasimadda Hargeysa ayaa xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhayWarbaahinta Allgalgaduud.com, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha uu Xildhibaan C/Casiis Taarwalle u soo jeediyay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idiinla soo xidhiidhay war ku soo baxay maanta (shalay) Allgalgaduud.com oo xiganayay nin Xildhibaan ah oo la yidhaahdo C/Casiis Taarwalle oo igu eedeeyay inaan Hargeysa ka soo abaabulayay mudaharaadkii UCID ku baaqday. Waxaan idiin sheegayaa in eedaasi tahay mid been ah oo aanay haba yaraatee wax ka jiraa jirin. Mana garanayo sababta uu ninkaasi ii ribaynayo ee uu beenta aan jirin iiga sheegayo.”

“Xildhibaankani waxa uu hore wargeysyadda ugu qoray eedo been ah oo tan oo kale ah waxa ka mid ahayd inuu igu eedeeyay in aan juwanadda cashuur qabashadda aan ka soo daabacdo Puntland, ma oga inaanu ka daabacano dukumantiga cashuuraha madbacadda qaranka Somaliland oo imikaba gacanta ku haysa dalab aanu leenahay oo aan ka qaadayo Berri (maanta). Markaa anigu ninkan waxaan u haystaa inaanu ahayn nin caadi ah oo dhan. Waayo waxa hore u rasaaseeyay oo dhaawacay nin Al-shabaab ah, ninkii ayaa toogtay ayaa Maxkamadda Laascaanood la keenay oo la yidhi ninkii ku dilay kaalay ku markhaati fur, wuu diiday markaa intaas ayaaba caqligiisa min qiyaas u ah,”ayuu yidhi C/Qaadir Jaamac Saallax.

Maayarku waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku sifeeyay eedo uu Xildhibaan Taarwale u jeediyay oo la xidhiidhay in Maayarku aanu Golaha deegaanka u qaban kalfadhiyadii, waxaanu Maayarku tilmaamay in kalfadhigii ugu dambeeyay ee Golaha deegaanka Laascaanood la qabtay 12-kii October 2013.

Maayarku waxa uu sheegay in magaaladda Laascaanood ay xiligan ku sugan tahay wakhtigii ugu wanaagsanaa isla markaana uu ka socdo horumar iyo waxqabad dawladnimo.
“Waxaan idiin sheegayaa xiligan Laascaanood waxay ku jirtaa xiligii ay ugu wanaagsanayd, waxa ka socda horumar iyo waxqabad dawladnimo, Xukuumadda Axmed Siilaanyo waa dawladda kaliya ee ay ka go’an tahay isla markaana barnaamij cad ka leh horumarinta Gobolka Sool iyo gobolada barri ee dalkaba. Sidaas daraadeed, dadweynaha reer Laascaanood ma ogola wax mudaharaad ah oo nabadgelyadooda yar wax yeelaya, mana jirto sabab ay u mudaharaadaan xisbiyadda mucaaridka ahna kama yeelayno arrintan,”ayuu yidhi Maayarku.

Md. C/Qaadir Jaamac Saallax waxa uu ku eedeeyay xisbiyadda qaranka in aanay lahayn qorsheyaal iyo himilooyin horumarineed oo ku wajahan goboladda barri ee wadanka.

“Waxaan qabaa shirka dooda qaran ee xisbiyadda mucaaridku ku baaqayaan inuu yahay mid deel qaaf ah oo aan sharciyadda dalka meelna kaga jirin,loona baahnayn in dalka lagu mashquuliyo. Xisbiyadda mucaaridka ah waxaan leeyahay la yimaada qorsheyaal horumarineed. Waayo waxay xukuumaddani idinkaga horaysaa horumarinta Laascaanood iyo gobolada dalka oo dhan,”ayuu yidhi Maayarku.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com