Top News + Dhageyso: Fiqi “Ciidamada Dhawaan Ayaa Lagu Wareejinayaa Gaadiid Milateri”.

0

fiqi-24Muqdisho (AGGM): Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaarada Gaashaandhiga, mudadii halka sano ee ay jirtay, isagoo cadeeyay in is bedelo xaga awooda ciidan lagu sameeyay ciidamada xooga dalka.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhowaan ciidamada xooga dalka ku wareejinayaan gaadiid milateri oo ay kol hore ku wareejisay dowladda Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan beebayaal iyo gaadiidka xambaara ciidamada.

Wasiirka ayaa sheegay inay ku guuleysteen dhismaha xaruntii wasaarada Gaashaandhiga, oo ilaa iyo hada ay tahay xarunta rasmiga ee ciidamada xooga dalka.

“Ilaa iyo hada waxaa ku guuleysanay 1500 ciidan gaaraya inaan dalka gudihiisa ku tababarno, oo dhaqankooda iyo afkooda hooyo lagu tababaro, waana waxyaabihii wasaarada Gaashaandhiga u qabsoomay mudadii sanadka in tababaradii dibada lagu siin jiray ciidamada xooga dalka inaan dalka gudihiisa u soo wareejino”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in heshiisyo ay la galeen dowladda Talyaaniga, kaasoo ahaa in tababar la siyo ciidamada xooga dalka, qalabeyntooda iyo tayeyntooda, waxaana uu tilmaamay in Talyaaniga uu kaalin ka qaatay dhismaha ciidamada xooga dalka.

“Waxaan heshiis la galnay oo ciidamadoodii qarameynay Ahlu sunna oo qeyb weyn ka soo qaadatay la dagaalanka Al-Shabaab, dowladda Talyaaniga iyo Turkiga ayaa la galnay heshiis xaga ciidamada qalabeynta iyo tayeynta ah”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada xooga dalka ay dhowaan la wareegi doonaan gobolada dalka oo dhan, isla markaana Al-Shabaab ka xoreeyaan meel walba oo ay ku sugan yihiin.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkan Hoose Ka Dhageyso Fiqi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com