Baydhabo(AGGM) Ciidamada amaanka magalada Baydhabo ayaa fashiliyay isku day maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabab ay ku doonayeen in ay falal arbushaad ah ka geystaan magaaladaasi.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay Mahad C/raxmaan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay xalay magaalada Beydhabo ka soo weerareen dhowr jaho hase yeeshee ay ciidamadu u jilib dhigeen islamarkaana gaarsiiyeen qasaare xooggan.
Sidoo kale taliyaha ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal arbushaad ah oo ay argagixisadu ku doonayeen iney ku qal qal geliyaan amaanka magaalada Beydhabo.
“Wax weyn maaha wuxuu ahaa falal arbushaad ah oo dhowr jaho oo magaalada ka mid ah ayeey xabado ka soo rideen laakiin ciidamada ayaa ka hortagay oo kala ceyriyay’’ Ayuu yiri Taliyaha booliiska gobolka Baay.
Taliyaha ayaa xusay in amaanka magaalada Beydhabo uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo, isagoo tilmaamay in ciidamadu habeen iyo maalinba ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga..
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com