Baraawe (AGGM): War goor dhow naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in Saraakiil isugu jira Cadaan iyo Somalia halkaasi ku sugnaa ay bilaabeen inay isaga cararaan gabi ahaan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose
Warka halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Hawada Degmada Baraawe, ay dul heehaabayaan Diyaarado dagaal nooca loo yaqaan Helicopters-ka kuwaasi oo Al shabab Cabsi ku beeray inay Duqeymo geystaan.
Diyaaradaha ayaa la sheegayaa inay gaarayaan illaa iyo Sedde Diyaarad oo is dhaaf-dhaafeysa kuwaasoo Saakay ilaa iyo hadda wado dul heehaabka Degmadaasi, mana la garanaayo Ujeedka ay ka damacsan tahay Degmadda Baraawe.
Wararku waxa ay sheegayaan in Horjoogiyaasha Alshabaab ay dibadda uga baxeen Degmada, iyagoo ka cabsi qaba in lagu bartilmaameedsado Dhismooyinka ay ku jireen, sida Dhowr jeer oo horey halkaasi loogu ugaarsaday Horjoogiyaal Soomaali iyo ajaaniib isagu jira.
Sidoo kale, Xaaladda, ayaa ah mid kacsan, dadka deegaanka ayaa Cabsi ka muujinaya Diyaaradaha dul wareegaya degmada Xeebta ku taalla ee Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, oo Xarunta u ah Horjoogiyaashaugu sareeya ee Argagixisada Al-Shabaab.
Dhanka kale, Kooxda Al-Shabab ayaa ah koox Xiriir la leh Al-Qaeda, waxaana Ciidamada NAVY SEALS ee Maraykanku weerar ay ku guuldaraysteen ku qaadeen Baraawe horaantii bishii Octoobar, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku qabtaan Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Abdukadir Mohamed Abdukadir ‘Ikrima’.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com