Dhageyso: Isbatoore Fartaag Oo Khalkhalay Una Waramaya Alshabab,Cajaladana Loo Shidayo.

0

gen.-fartaag1111Kismaayo(AGGM) Isbatoore Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah kooxaha ku hoos nool Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa maanta la hadlay warbaahin ay leeyihiin Kooxda Alshabaab,waxaana uu halkaas kaga hadlay arrimo badan oo ku aadan Maamulka ku sheega uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe.

Isbatoore Fartaag oo aan aqoon iyo xirfad u lahayn qaabka loo hadlo ayaa shaacinaya marka hore inuu tacsi u dirayo Nelson Mandela,waxaana ku xejiyey Maahmaah uu isagu isugu dan leeyahay isla markaasna ku aadan arrimaha maamul u sameynta goboladda lixda gobolka ah ee maamul u sameyntoodu ka socoto Magaalada Baydhabo.

Warbaahinta Radio Alfurqaan waxay si wacan uga wareysatey Isbatoore Fartaag isagoo ka hadlaya arrimo badan kana fiirsanneyn qaabka uu u hadlayo,waxaana halkaas kaga cadaanaysa Caado qaatonimadda Isbatoore Fartaag,waxaana Idaacadaha Radio Alfurqaan u heshay Jaanis wacan oo ay kaga faaiideysatey.

Ugu dambeyntii isbatoore Fartaag ayaa ka mid ah kooxaha ku bahdilan magaalada Kismaayo isla markaasna ay maalin kasta u gacan qaadaan maleeshiyaadka Raaskambooni iyadoo hadda hor ay laba jeer oo kala wadan ku dhufteen dhakharo kala duwan isla markaasna waxa uu wali isaga naf ahaantiisu u muuqdaa inuu yahay Madaxweyne ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

 

Cabdullaahi-Sheekh-Ismaaciil-Far-taag-ku-xigeenka-Axmad-madoobe.lite_

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com