Top News: Booliska Uganda Oo Ka Digay Weeraro Argagixiso Oo Ka Dhaca Dalkaasi.

0

uganda policeKampala (AGGM): Booliska ayaa la sheegay in maqribnimadii Axada ay heleen warbixintaasi oo ku aadan koox dad ah ay qorsheynayaan weeraro argagixiso ah oo la qorsheynayo in laga geysta magaalada Kampala, sida lagu sheegay warbixinta booliska ay sii daayeen gelinkii dambe ee shalay.

Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Uganda Judith Nabakoba, ayaa shegay in warbixintaasi ay heleen kadib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen.

“Qorshaha waxaa ku lug leh koox dooneysa inay gubto xarumaha shidaalka iyo dhismooyinka magaalada, gaar ahaan goobaha ganacsiga”sidaasi ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay booliska dalkaasi.

Markii booliska ay soo saarayeen warbixintaan, ma jirin wax weerar ah oo wali ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Booliska ayaa sheegay inay ku dabi jiraan koox aan la magacaabin oo laga shakiyay iyagoo sheegay inay ka hor tagaan weerarada qaar ee ka dhaca magaalada Kampala.

Dalka Uganda ayaa waxaa horay weerar kaga geystay ururka Alshabaab oo ka horjeeday ku lug lahaanshaha ciidamada Uganda ee howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Dowlada Uganda ayaa aheyd dowladii ugu horeysay oo ciidamo usoo dirto dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalamaya ururka Alshabaab.

Digniinta ay soo saareen ciidamada booliska dalka Uganda ayaa noqoneysa markii sedexad tan iyo bishii Septembar ee sanadkaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com