Danjire Annadiif Oo Sheegay Inay Ka Go’an Tahay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

0

maxamed-saalax-annadifMuqdisho(AGGM) Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Annadif ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’antahay ilaalinta xaquuqda Aadanaha xilli maanta oo kale caalamka oo dhan looga dabaal degayay xuska maalinta xaquuqda aadanaha caalamka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in AMISOM ay gacan weyn ka geysaneyso sidii dadka dhibaateysan loo geyn lahaa goobo ammaan ah oo aysan ka jirin cabsi gelin, taasi oo lagu xusay in ay qeyb weyn ka tahay qorshaha ilaalinta xuquuqda aadanaha ee iyagu u degsan.

Danjire Maxamed Saalax Annadiif waxa uu carabka ku adkeeuyay in AMISOM la shaqeyso hay’adaha ammaanka qaabisan ee Soomaaliya,  si loo abuuro jawi nabadeed iyo deegaan ammaan ah, si ay meesha uga baxdo dadka ku xadgudbaya xorriyadda shacabka meelkasta oo ay joogaan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay helaan tababaro joogta ah oo ku aadan ilaalinta xuquuqda aadanaha taasi oo qeyb ka ah sharciyada caalamiga u degsan, iyadoo dhammaan howlaha AMISOM ay ka muuqdaan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha, islamarkana talaabo adaga laga qaadi doono cidkasta oo kuxad gudubta xaquuqda aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com