Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Fariisimaha Ciidamada Kenya Ee Afmadow.

0

Somalia American ExtremistsMuqdisho (AGGM):Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka falaagada Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal labada dhinac dhex maray ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo muddo ku dhow saacad socday.

Falaagada Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin Afmadow, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka Afmadow ayaa sheegay in dagaalka xalay uu ahaa mid xoogan, isla markaana ciidamada AMISOM ay isticmaaleen madaafiic culus oo ay uga jawaabayeen weerarka lagu soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska difaaceen, isla markaana ay qasaarooyin gaariiyeen falaagada Al-Shabaab.

Falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer weerar ku qaaday degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo bishii Ramadaan ay aheyd markii dagaal culus oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com