War La’aanta Islii Iyo Weerarka Tuugada. W/Q. Mohamed Shaafici

0

isliiTan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaliya Sanadku markuu ahaa 1991-dii Soomaali badan ayaa dalka isaga hayaamay oo maciinbiday qaarada kala duwan ee caalamka hase ahaatee tiradii ugu badneyd ayaa kusoo qaxday wadamada Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia,

Qaxootigaan kusoo barakacay wadamada dariska ayaa iyagu waxa ey ahaayeen kuwo kasoo qaxay burburkii dalka ku dhacay iyagoo ka cararayay in dhibaatooyin loogu  geysto gudaha dalka , waxayna marti galin tii  ugu badneyd kaheleen wadanka Kenya oo isagu marti galiyay qaxootigii ugu badnaa ee soomaaliyeed , waxaana dadkaas loo qeybiyay laba xero oo kutaalo Kenya gudaheeda kuwaa oo kala ah dhadhaab iyo kaakuma .

Balse waxaa jiray qaar kamid ah dadkii dalka kasoo hayaamay oo dhaqaalo watay kuwaa oo doonayay iney helaan meel amaan ah oo ey ku ganacsadaan waxayna dadkaas goobo ganacsi oo kala duwan ka yigleeleen magaalooyinka Nairobi iyo magaalada Xeebta Kutaalo ee Mombasa kuwaa oo tan iyo manta ganacsigoodu kajiro deegaanadaas .

Hantida ugu badan ee soomaali leedahay  ayaa taalo xaafada ey badankood  caasimada kadaganyihiin  ee Islii, waana suuqa ganacsiga ee ugu weyn Bariga iyo bartamaha Afrika, marka aad suuqaas dhex tamashleysane waxay indhahaagu qabanayaan ganacsiyo kala duwan oo soomaali leedahay .

Ganacsigaan xidideystay ee kajiro Islii ayaa waxaa ku nool kumanaan dadweyne ah oo subixii nolol maalmeedkooda ka dhacsado suuq-weynaha islii kuwaa oo isugu jiro soomaali ree tabareed ah iyo muwaadiniin Kenya u dhashay oo ka faa’iidey ku dhex noolaanshaha soomaalida ,

Islii waxaa soo gasho laba wado kuwaa oo kala ah wadada koowaad (first avenue) iyo wada labaad ee (Second Avenue) waxaana jiro is goysyo badan oo dhexmaro labadaan wado , kumanaan soomaali ah ayaa kunool xaafadaan waxayna ka cabanayaan marka aad la sheekeysato laba arimood oo kala ah

1.Iney faro adag kuhayaan tuugo isugu jirto soomaali iyo Kenyan haba u badnaadeen Soomaalidee kuwaa oo labaxay magacyo kala duwan sida ( Super Power,Sitaka kuchua,42 brothers,western power,Wilson Airport ) iyo magacyo kale oo badan waxayna dadka ka qaataan telefoonada gacanta,computerada,lacagaha iyo waxkastaa oo qiimo leh oo qofka ey dhacayaan uu sito .

2.Wado la’aan kajirto Xaafada islii iyadoo ey xusid mudan tahay in dhismayaal wado oon dhamaaneyn ey kasocdaan xaafada islii kuwaas oo markii ey qaar kamid ah ganacsatada ii waramayeen ku sheegeen in qaarkood ey dhismahoodu socdaan mudo kabadan laba sano isla mar ahaantaane xitaa eysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay dhismaha wadooyinka.

Kahor qoritaanka maqaalkan waxaa aniga qudheyda gacanta igu dhigay tuugo soomaaliyeed kuwaas oo iga qaatay telefoonka gacanta oo aan watay iyo xoogaa lacag ah waxayna igu amreen in aanan xitaa dhinacooda eegin ,waxay siteen tooriyo,baangado iyo waliba agab kale oo ku waxyeeleyn karo hadii aad kadhaga adeegto awaamiirtooda ,

Qaar kamid ah soomaalida dagan xaafada Islii ayaa ii sheegay in masuuliyiinta laga soo doorto xaafada islii sida Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ey ku war galiyeen Dhibaatada kajirto Xaafada islii balse eysan jirin wax horumar  ah oo laga gaaray  cabashadooda

Sidoo kale waxaa la iisheegay in qaar kamid ah askarta iyo kooxahaan burcada ah ey kadhaxeyso wada shaqeyn waxaana la i hordhigay cadeymo iyo walibo dhacdooyin ey goob-joog u ahaayeen sida in mid kamid ah dadka degaanka iyaga oo kooxahaan burcada ah baaranayo uu u dhawaaqay askar aaga ka dhaweyd balse eysan jirin cid dhag jalaq usiisa cabashadiisa.

Islii oo uu kujiro ganacsi aad u baalaran ayaa dhibaatooyinkaas aan kor kusoo xusnay la daala dhaceyso mana jirto cid ey dadka degaanka sugayaan iney wax kaqabtaan cabashadooda waxaana xusid mudan in qaar kamid ah ganacsatada xaafada islii markii ey dhibaatooyinkan isdaba jooga ah lakulmeen ey hantidooda u rarteen wadamo kale oo afrikada bari katirsan sida Ugandha iyo Tanzania.

Waxaa muuqaneyso gacan bidixeyn dhinaca dowlada ah taasoo dad badan oo ree islii ah ey aaminsanyihiin sida Amaandarada iyo walibo nadaafad xumo kajirto xaafada oo run ahaantii ka duwan xaafada kale ee Caasimada mana lagugu karaayo in islii ey katirsantahay caasimada dalka ee Nairobi oo xitaa waxaa dhacdo in mararka qaar marka aad islii katago ood aado goobaha kale ee Magaaalda dadka qaar ey ku oranayaan hadaan caasimada jooognaa taasoo ka dhigan in islii aananba loo haysan iney katirsantahay Nairobi.

Sikastaba ha ahaatee soomaalida islii kunool ayaa ah kuwo markastaa lakulmo tacadiyo ey kala kulmaan tuugo iyo qowleysato kunool xaafada oo caadeystay dhicida iyo waxyeeleynta dadkaan aan waxba galabsan ee dalkoodiiba uga soo cararay dhibaatooyin iyo Dowlad la’aan haysatay mudo aad u dheer waxayna filayeen in mar hadii dal dowlad kajirto ey kunoolyihiin uu xaalkoodu sidaan dhaami lahaa taasoo hadal hays u noqotay dadka soomaaliyeed ee ku nool  xaafada Islii .

Mohamed Shaafici
Shaafici121@gmail.com
Nairobi , Kenya  .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com