Top News: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Qulqulaya Deegaanka Ceerbarde Iyo Dagaal Laga Cabsiqabo Inuu Qarxo.

0

itoobiyaBaydhabo (AGGM): Ciidamo Xooggan oo ka tirsan kuwa Dalka Itoobiya, ayaa gaadhay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaas oo ay durba ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo, iyadoo aan la ogeyn ujeedadooda dhabta ah.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay Falaagada Al-shabaab kaga saaraan Degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan tahay oo ay ku jirto degmada Xarunta ah ee Xudur.

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Ceelbarde ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gaadhay degmadaas ay wataan gaadiid aad u fara badan oo kuwa dagaalka kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo casri ah.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxay ka talisaa inta badan Degmooyinka Gobolka Bakool waxaana sanadkan horaantiisii ay la wareegtay Degmada Xudur kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii DF ooh al sano ka talinayay.

Xoogaga Falaagada Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday degmada Ceel-barde oo ah degmada Keliya ee ay ciidamada DF kaga sugan yihiin Gobolka Bakool oo ku yaala Xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com