Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo si weyn loogu soo dhaweeyay Itoobiya

0

IMG_00441-300x200Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo u kicitimay Dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaas oo madaxweynuhu uu kaga qaybgelaayey Sanad Guurada Qoomiyahada Ethiopia wada Dega kuwaas oo ay ka soo wareegtay Sanad Guuradii 8aad qoomiyaha shucubaha Ethiopia.

Markii weftiga madaxweynuhu ay gaadheen Xuduudka Labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia Waxa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa oo xuduuda kaga hor yimid Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo qaabilaada ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigba u hor kacay Xuduuda ilaa jigjiga laga gaadhayey halkaas oo madaxweynaha lagu qaabilay heer caalami, waxaana madaxweynaha la dejiyey Guriga Martida ee Madaxtooyada DDS –da oo ay hore u sii deganaayeen Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha South Soudan iyo Madax fara badan oo ka socda Wadamada Afrika intooda kale.

waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Safarkan

Marwada Madaxweynaha JSL

Wasiirka Madaxtooyada JSL

Wasiirka Warfaafinta JSL

Wasiirka Beeraha Jsl

Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee JSL

Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha JSL

Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee JSL

Agaasimaha Guud Arrimaha Dibeda JSL.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL

Xildhibaan Indho indho (Golaha Guurtida)

iyo qaybka mid ah Saxaafada Somaliland oo weftiga Madaxweynaha ka mid ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com