Garoowe (AGGM): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Shekh MAxamed Faroole oo ka hadlay qaraxii Khamiistii ka dhacay Magaalada Boosaas ee Gobalka Bari, ayaa shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay Boosaaso iyo halka uu kasoo jeedo.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qaraxii Boosaaso ay aqoonsadeen laamaha ammaanka Puntland cidii ka dambeysay, iyo halka uu kasoo jeedo ruuxaasi.
Magaca Ruuxa isqarxiyay, ayaa Faroole wuxuu ku sheegay in la dhaho Axmed Ibraahin Axmed Aadan, kaasi oo kasoo jeeda sida uu yiri Faroole Gobalka Shabeelaha dhexe.
Faroole ayaa xusay in laamaha amaanka Magaalada Boosaaso ay gacant aku dhigeen dad kale oo lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha weerarkii Boosaaso ee khasaaraha badan dhaliyay.
Ruux watay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxa ayaa Khamiistii 11:00 barqinimo isku qarxiyay, gaari ay wateen ciidanka Badda ee Puntland loona yaqaan SARACEN, kuwaasi oo ka adeeganaye suuqa Magaalada Boosaaso.
Ilaa hada majirto cid sheegatay masuuliyada werarkaasi, inkastoo Puntland ay ku eedeysay Ururka Al-Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com