Dhageyso: Xildhibaan C/qafaar Maxamed Oomaar “Mooshinki Maalin Dhoweed Dhacay Iyo Dilka Xildhibaan Faysal Dhaawac Wayn Ayay U Geeysanaysaa Baarlamaanka”.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM):Iyadoo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho xildhibaan Max’ed Warsame Max’ed [Feysal] oo maalintii shalay u geeriyooday dhawaac halis ah oo ka soo gaaray qarax loogu xirray gaarigiisa ilinka hore ee madaxtooyada, ayeey xildhibaannada qaarkood durbaba muujinayaan shaki la xiriira cidda ka danbeysan dilkiisa.

Xildhibannada ayaa sheegay in dilka xildhibaannka noqon karto mu’aamarad siyaasadeed oo la soo maleegay, madaama todobaadyadii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-gallay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaare Saacid oo ay codka kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada.

Xildhibaannka dhintay ayaa siweyn u taageersanaa siyaasada ra’iisal wasaare Saacid isaga oo intii ay soctay dooda mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumada Saacid, siweyn u eedeenayay madaxtooyada Soomaaliya iyo xubno sida uu sheegay ka danbeeya mooshinka.

Xildhibaan C/qafaar Max’ed Oomaar ayaa sheegay in dilka aan la oran karin waxaa ka danbeeya Al-shabaab oo sida uu sheegay in marka mas’uulkan oo kale dhinto markiiba warbaahinta ka sheegan jiray, taasoo muujineysa ayuu yiri in xildhibaannka loo dillay arrimo siyaasadeed oo aan wax xiriir ah la laheyn Al-shabaab, taasoo loo fasiran karo in dilka ay qorsheeyeen xubno ka tirsan dowladda.

Alle ha u naxariisteen xildhibaan Feysal ayaa si adag u weerari jiray mooshinkii ka dhanka ahaa ra’iisal wasaare Saacid oo ku tilmaami jiray in ay soo abaabuleen shaqsiyaad fadhiya xarunta madaxtooyada oo aan wax dan ah u heyn bulshada Soomaaliyeed.

Ka hor inta uusan geeriyoon ayaa la sheegay in uu u tagay ra’iisal wasaare Saacid oo ay mudo soo wada sheekeysteen, waxaana intaa kadib la sheegay in gaarigiisa qarax loo sii galiyay, taasoo keentay in uu ku geeriyoodo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com