Xog Culus: Damu Jadiid “Xildhibaan Afkaaga Xiro, Ama Qarax Ayaa Lagugu Dilayaa”.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Xisbiga Damu Jadiid ee la wareegay talada dalka Soomaaliya oo Qaraxyo iyo dilal qorsheesan ku dilaya Xildhibaanadi sida aadka ah uga soo horjeeday qorshahooda awood marooqsiga ah ee mooshinki dhawaan lagu riday Xukuumadi uu hogaaminayay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Xildhibaan  ku sugan gudaha magaalada Muqdisho kana gaabsaday magaciisa xaalado amaan awgood ayaa waxa uu warbaahinta Allgalgaduud Media u xaqiijiyay in Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal) ay dileen Damu Jadiid qorshahana uu ahaa wejiga labaad ee looga taqalusayo cid walba oo ka soo horjeeda Damu Jadiid.

Mudanahan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa Xildhibaanada ka soo horjeeda urur Diimeedka Damu Jadiid ayaa waxa kale oo uu sheegay “Qorshaha waa wejigii labaada ee urur Diimeedka Damu Jadiid waxaana maanta  lagu fuliyay Xildhibaanki ugu horeeyay oo la Qaarajiyay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed oo loo yaqaano Xildhibaan Feysal mar uu gaarigi uu watay dhiganayay meel u dhow guriga R/wasaaraha Soomaaliya, waadna maqli doontaan kuwo kale oo badan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheega in Urur Diimeedka Damu Jadiid iyo Mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay ka go’an inay dhamaan cid walba oo ka hortimaada fikirkooda iyo Qorshahooda inay ku dambeeyaan halka uu maray Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal).

Isku soo wada duuboo dhacdadan maanta ay Urur Diimeedka Damu Jadiid Ku Qaarajiyeen Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal) ayaa waxaan la ogeeyn waxa ay ka yeeli doonaan beesha uu ka soo jeeday Xildhibaanka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka sida hadda muuqatana waxa ay seefta saaran tahay Baarlamaanki doraad jideeyay xaaraanta (NINKI QAYRKI LOO XIIROOW ADNA SOO QOYSO”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com