Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay galinki dambe Macalin Maxamed loo taxaabay xabsi ka dib marki khilaaf ba’an uu soo kala dhexgalay isaga iyo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in khilaafka inuu yimid ka dib Axmed Madoobe war uu dhawaan ka sheegay idaacadaha oo yiri waxaan ku dhawaaqeeynaa golaha wasiirada maamulka ay ugu yeeraan Jubba,arrintaas ayaa waxaa soo faragaliysay Dowaldda Itoobiya oo iyadu damaanad qaaday hirgelinta qodobadi ka soo baxay heshiiski Addis abab. maamulk
Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay ku amartay Axmed Madoobe inuu faraha kala baxao hoowsha uu wado, ka dib wadahadlka Itoobiya iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa is hortaagay Macalin Maxamed oo doonaya in lagu dhawaaqo wasiiro uu yeesho maamulka ay ugu yeeraan Juuba, taas ayaan waxa ay sababtay in Macalin Maxamed Xabsi loo taxaabo amarna ay dul dhigto dowladda Itoobiya.
Waxaa ila hada la ogeeyn in Macalin Maxamed laga sii daayay xabsiga iyo in uu weli uu yahay maxbuus xiran.
Dhinaca kale waxaa khilaaf ba’an u dhexeeya kooxaha loogu magac daray Guurtida Jubbooyinka iyo Axmed Madoobe khilaafkan ayaa waxa la sheegay in uu salka ku hayo awood qeeybsiga maamulka aan loo dhameen ee Jubba.
Isku soo wada duuboo waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa sii cakirmaya xaalada magaalada Kismaayo, xaqiiqdina xataa waxaan hadda la saadaalin karin halka ku dambeeyn doonaan xaaladaha magaaladaas.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com