War Deg Deg Ah: Xukuumada Somaliland ayaa Xabsiga Dhigtay 4 Wariye

0

wariyeyaal-HCTV3Muqdisho(AGGM) Xukuumada somaliland ayaa saaka xabsig dhigtay afar wariye oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland. Xadhiga wariyayaashan ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay ka qayb galeen mudaharaad salmi ah oo ay dhigayeen masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee Hubaal kuwaas oo cabasho xoogan ka qaba sida loo qaaday kiis la xidhiidhay weerar lagu soo qaaday goor habeenimo ah.

Mudaharaadkan salmiga ah oo ay hor kacayeen masuuliyiinta wargeysa Hubaal isla markaana ay ka qayb galeen xoghayaha ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja Maxamed Rashiid, gudoomiyihii hore ee xuquuqal iinsaanka somaliland iyo weriyayaal ka ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland kuwaas oo saaka ku waa bariistay agagaarka aqalka madaxtooyada somaliland.

Mudaharaadka salmiga ah ayey xukuumada kaga jawaabtay  xadhig ay kula kacday qaar ka mid ah weriyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Ibraahin Khadar Siciid oo ka hawl gala shabakada Hadhwanaagnews iyo wargeyska Jamhuuriye, Xasan Maal Dhidar oo ka hawl gala telefishanka Universal, madaxa wararka telefishanka Bulsho Tv Siciid Khadar iyo Cabdisalaan oo isaguna ka tirsan isla telefishanka Bulsho Tv.

Ka hor inta aanu mudaharaadkani bilaabmin ayaa xoghaya ururka Solja Maxame Rashiid oo ka hadlay waxa uu sheegay in xukuumada looga fadhiyo inay cadaalada hor keento cidii ka  danbaysay falkii goor habeenimo ah lagu weeraray wargeyska Hubaal, isaga oo u soo jeediyey xukuumada inay dib jeelka ugu soo celiso mid ka mid ah eedaysanayaasha kiiskan oo la sheegay in la sii daayey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com