Madaxweynaha Puntland Oo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Iyo Soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka Uga Dhawaaqay Magaalada Garoowe.

0

Faroole29Garoowe (AGGM): Shir jaraa’id oo uu goor dhaw ku qabtay magaalada Garoowe madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayuu kaga dhawaaqay guddiga khilaafkaadka doorashada iyo waliba soo xulista baarlamaanka si loogu gudbo doorashada la fillayo in ay ka dhacdo Puntland 8 bisha January ee sanadka 2014.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Faroole in guddigan uu soo magacaabay uu u u maray sida uu hadalka u dhigay wado sharci ah isaga oo sheegay in uu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga, sidoo kalana waxaa uu sheegay in ragga ka tirsan gudiga oo gaaraya  Sadex xubnood yihiin caaqiliin si iyagaan ay gudiga qayb uga noqdaan wuxuuna rajo wanaag ka muujiyay in guddigan lagu wada qanci doono.

Aqriso magacyada guddiga

1, Eng, Yuusuf Abshir Cadami                   (Gudoomiye)

2, Cismaan guureeye Kaarshe                        Xubin

3,Eng, Maxamuud Axmed Xasan                    Xubin

4,Maxamed Cabdulaahi Faarax                       Xubin

5,Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye    Xubin

6, Caaqil Abshir Cabdiraxman Caraale (Dhegcas)   Xubin

7,Caaqil Siciid Xasan Xaaji yuusuf (Warabecade)     Xubin

8,Maxamed Cabduqaadir Cismaan                   ( Xoghayn)

Laakiin durbaba waxaa guddiga ku gacan seyray sharci ahaan shihiisan qaar ka mid ah musharixiinta oo sheegay in arinta keen karto shaki, madaama loo baahnaa madaxweyne Faroole in uu la tashi kala sameeyo musharixiinta, waxaana ay sheegeen in aysan jirin cid iska hortaagi karta dhinacooda in ay ku dhawaaqaan guddi kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com